Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya DHAGEYSO:2 qof oo ku dhintay dhisme ku dumay Kiambu

DHAGEYSO:2 qof oo ku dhintay dhisme ku dumay Kiambu

Waxaa lagu soo warramayaa inay dhinteen labo qof oo kala ah nin iyo xaaskiisa ka dib markii guri ka kooban shan dabaq oo laga dhisayay magaalada Ruaka ee ismaamulka Kiambu uu soo dumay.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in dhismaha gacanta lagu hayay uu abaare 3:30 arrornimo ee maanta ku dul burburay guri kale oo u dhow halkaasi oo la deggan yahay.
Hal qof oo dhaawacmay ayaa la geeyay isbitaalka heerka shanaad ee Kiambu.
Waxaa gurmadka ka qayb qaadanaya saraakiisha dowladda hoose ee ismaamulka Kiambu, laanqayrta cas , saraakiisha waaxda dab damiska iyo kuwa gaashaandhigga ee dalka.
Dhismaha dumay ayaa u dhow goobta lagu caweeyo ee Fortune Club waxaana la rumeysan yahay in dhowr qof oo kale ay ku hoos xanniban yihiin burburka.
Barasaabka ismaamulka Kiambu Kimani Wamatangi ayaa kala diray guddiga dowlad deegaankaasi u qaabilsan qorsheynta iyo ansixinta dhismooyinka ka dib dhacooyin noocani ah oo la soo tabiyay.
Waxaa uu wacad ku maray in tallaabo adag oo sharciyeed laga qaadi doono qof waliba oo isku daya inuu guri dhiso isagoo aan haysan oggolaansho rasmi ah iyo dokumeentiyada looga baahan yahay.

Tani ayaa imaanaysa ka dib markii dhisme kale oo dhawaan ku dumay deegaanka Kasarani ee magaalada Nairobi ay ku dhinteen ugu yaraan saddex qof halka 6 kalena la soo badbaadiyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments