Adeegga korontada Ukraine oo dib u soo laabtay

0
277

Korontada ayaa si tartiib ah dib loogu soo celiyay guud ahaan dalka Ukraine, maalin un ka dib markii weerarrada cirka ee Ruushka ay ku bartilmaameedsadeen ilaha tamarta.
Ku dhawaad 10 milyan oo reer Ukraine ah ayaa koronto la’aan noqday.
Madaxweynaha dalka Ukraine Volodymyr Zelenskyy ayaa baraha bulshada ku qoray, “kadib weerarradii gantaallada ee shalay, waxaa la ii sheegay subaxdii inta badan macaamiisha inay dib u heleen adeegga korontada”.
Waxaa uu xusay in injineerrada ay habeenkii oo dhan ka shaqeynayeen gobollada kala duwan, isagoo wacad ku maray inuu ka adkaan doono dhammaan cadowga.
Dhanka kale ,madaxa maamulka milateriga magaalada Kyiv ee caasimadda wadanka Ukraine Serhiy Popko, ayaa u mahadceliyay injineerada iyo dhammaan shaqaalaha adeegyada bulshada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here