Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Caalamka Ra’iisul wasaaraha Itoobiya oo sheegay in dagaalka Tigray uunan saameyn dhaqaalaha

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya oo sheegay in dagaalka Tigray uunan saameyn dhaqaalaha

Ra’iisul Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmad ayaa u xaqiijiyay shacabkiisa in colaadda Tigray iyo caqabadaha kale ee sida COVID-19 aysan ka hor istaagin in dhaqaalaha wadankaasi uu kordho.
Waxaa ay ahayd xaqiijintii ugu horreeysay tan iyo markii ay dowladdiisu saxiixday joojinta colaadda kala dhexeysay jabhadda xoreynta shacabka Tigray ee TPLF ee 2-dii bishan.
Heshiiskaasi ayaa lagu gaaray magaalada Pretoria ee dalka Koonfur Afrika.
Labada dhinac ayaa gobolka waqooyi ee Tigray ee dalka Itoobiya ku dagaallamayay tan iyo bishii 11-aad ee sanadkii 2020-kii.
Khudbad uu ka jeediyay golaha shacabka ee magaalada Addis Ababa, ayuu Abiy Axmad colaadda ku tilmaamay dagaal xun.
Hasa ahaate waxaa uu xaqiijiyay in culeyska ka dhashay aysan waaxyaha kala duwan ee dhaqaalaha ka hor istaagin inay si wanaagsan u shaqeeyaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments