Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Turxaan bixinta xoghayeyaasha oo la hakiyay

Turxaan bixinta xoghayeyaasha oo la hakiyay

Guddoomiyaha baarlamaanka dalka Moses Wetangula ayaa hakiyay turxaan bixin ay guddiyada kala duwan ku sameynayeen shakhsiyaad uu madaxweyne William Ruto u soo xushay xoghayeyaasha joogtada ah ee wasaaradaha dowladda dhexe.
Baarlamaanka ayuu ku wargeliyay inuu u hoggaansamaya markii shalay ka soo baxay maxkamadda.
Maxkamadda shaqada iyo shaqaalaha ayaa go’aamisay in turxaan bixinta aan la sii wadi karin ilaa iyo inta laga dhageysanaya oo go’aan laga soo saaraya dacwad uu gudbiyay ururka qareennada dalka ee LSK.
LSK ayaa ku doodaysa in madaxweyne William Ruto uu soo xushay 51 qof isagoo aan buuxin iskudheellitirka matalaadda jinsiyadeed iyo gobollada wadanka.
Wetangula ayaa hoosta ka xarriiqay inay hakiyeen turxaan bixinta balse uu qareennada baarlamaanka kula talinaya inay gudbiyaan dacwad ay uga soo horjeedaan go’aanka maxkamadda oo ay ku dalbanayaan in dhinac loo dhigo.
Waxaa uu Wetangula xusay in dib laga soo sheegi doono xilliga la sii wadaya turxaan bixinta.
Sidoo kale guddi waliba oo barnaamijkan dhameeyay ayaa laga hor istaagay inuu ku sii tallaabo qaado geeddisocodka gudbinta warbixintiisa.
Guddoomiyaha baarlamaanka waxaa uu qeexay inay ka war sugayaan maxkamadda si tallaabada xigta loo qaado.
Turxaan bixinta uu saameeyay go’aankii garsoore Nzioki Makau ayaa soo billaabatay Isniintii toddobaadkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments