Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Madaxweynaha dalka oo amray in ciidamada GSU laga howlgeliyo Nairobi

Madaxweynaha dalka oo amray in ciidamada GSU laga howlgeliyo Nairobi

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa amar ku bixiyay in la tacaalidda falalka amni darro ee saameeyay caasimadda wadanka ee Nairobi loo xil saaro ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee GSU-da iyo kuwa ka falceliya xaaladaha degdegga ee (RDU).
Qoraalka ka soo baxay madaxtooyada wadanka waxaa ku cad in kastoo xaaladda guud ee Kenya ay tahay mid deggan haddana in waayihii dambe ay ismaamulka Nairobi ku kordheen falal dambiyeedyada.
Waxaa tusaale loo soo qaatay falal dhac ah oo laga gaystay magaala madaxda iyo waqooyiga Rift Valley oo ay saameeyeen dhacdooyinka burcadnimo ee dhaca xoolaha.
Golaha wasiirrada ee dalka ayaa go’aamiyay in sare loo qaado ammaanka wadanka .
Shirkii wasiirrada ee uu guddoomiyay madaxweyne William Ruto ayaa lagu taageeray isbeddelka dhawaan lagu sameeyay hoggaanka booliiska ismaamulka Nairobi.
Golaha wasiirrada ayaa dhanka kale u mahadceliyay cid kasta oo laamaha ammaanka la wadaagta xogaha amniga.
Sidoo kale saraakiisha ammaanka ayaa lagu bogaadiyay dadaalka ay ku bixiyaan xasilinta qaybaha kala duwan ee dalka.
Sidoo kale golaha wasiirrada ayaa ansixiyay qorsho ay waaxyaha kala geddisan ee ammaanka uga hor tagayaan in Kenya la soo geliyo daroogo.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Prof. Kithure Kindiki uu digniin adag u diray kooxaha ku howlan falal dambiyeedyada isagoo u sheegay in tallaabada ku habboon laga qaadi doono.
Taliyaha guud ee ciidanka booliiska dalka Japhet Koome ayaa dhankiisa cid waliba oo haysata hub sharci darro ah u qabtay muddo hal bil oo ay ugu soo wareejin karto saraakiisha ammaanka.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments