Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Caalamka G20 oo cambaareeyay gardarro ay sheegeen in Ruushka uu u gaysanaya Ukraine

G20 oo cambaareeyay gardarro ay sheegeen in Ruushka uu u gaysanaya Ukraine

Hoggaamiyaasha dalladda ay ku mideysan yihiin 20-ka waddan ee caalamka ugu horreeya dhanka dhaqaalaha ee (G20) oo shir ku yeeshay jasiiradda Bali ee dalka Indonesia ayaa si wayn u cambaareeyay duullaanka militari ee ay dowladda Ruushku ka wado gudaha wadanka Ukraine.
Xubnaha G20 ayaa sheegay in tan iyo 24-kii bishii labaad ee sanadkan xukuumadda Moscow ay gardarro u gaysanaysay Ukraine.
Qaraarka ay maanta oo Arbaco ah ansixiyeen ayaa waxaa ku cad in xubnaha G20 badankoodu ay si kulul u cambaareynayaan dagaalka Ruushka ee Ukraine.
Hasa ahaate Ruushka ayaan durbaba arrintan bayaan ka soo saarin.
War-murtiyeedka madaxda dalladda G20 ayaa lagu sheegay inay qasab tahay in loo hoggaansamo xeerarka caalamiga ah
Xoghayaha guud ee qaramada midoobay Antonio Guterres, ayaa dhankiisa sheegay inay aad muhiim u tahay in la iska ilaaliyo sii hurinta colaadda Ukraine.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments