Sanadguuradi labaad ee weerarkii masjidka New Zealand oo la xusayo

0
563

Waxaa sanadguuradii labad laga jooga xilligii masjid ku yaala dalka New Zealand gaar ahaan magaalada Christchurch uu weerar ka geystay shakhsi u dhashay dalka Australia halkaas oo ku dilay 51 qof, halka toobaanan kale ay ku dhaawacmeen.
Brenton Tarrant oo ku hubeysnaa hub awood sare leh ayaa rasaas ku furay dad muslimiin ah oo ku cibaadeysanayay laba masaajid oo ku yaala dalkaasi bartamihi bishii saddexaad ee sanadki 2019-ka.
Isagoona si toos ah weerarrada ooga taabinayay barta Facebook-ga ka hor inta aan la xirin
Ra’iisul wasaaraha dalka New Zealand Jacinda Ardern ayaa maanta boqolaal qof kula kulantay magalada Christchurch si loo xuso sanadguuradii labad ee weraradii dalkaasi ka dhacay.
Tarrant oo ah shakhsigii toogasha geystay ayaa bishii Siddeedaad ee sanadki hore lagu xukumay xabsi daa’in.
Waana markii ugu horreysay oo uu xukun noocaan ah dalkaasi looga dhawaaqo.