Madaxweynaha dalka oo guddoomiyay shirkii labaad ee golaha wasiirrada

0
263

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa xarunta madaxtooyada ee State House ee magaalada Nairobi ku guddoomiyay shirkii labaad ee ay yeesheen xubnaha golihiisa wasiirrada.
Kulanka ayaa yimid iyadoo dhanka kale maxkamadda shaqada iyo shaqaalaha ee wadanka ay baarlamaanka ka hor istaagtay inuu sii wado turxaan bixinta uu ku sameynaya shakhsiyaadka loo soo xushay inay noqdaan xoghayeyaasha joogtada ah ee wasaaradaha dowladda dhexe.
Waxaa amarkan soo saaray garsoore Musyoki Wa Makau.
Xaakinka ayaa hoosta ka xarriiqay in loo baahan yahay in turxaan bixinta la joojiyo ilaa inta ay maxkamaddu ka dhageysanaysa oo ay ka go’aaminaysa dacwad loo gudbiyay oo geeddisocodkan ka dhan ah.
Ururka qareennada dalka ee LSK ayaa maxkamadda geeyay dacwadda waxaa uuna ku doodaya in madaxweyne William Ruto uunan tixgelin isku dheellitirka gobollada iyo jinsiyadda markii uu soo xulanayay magacyada 51 qof oo ay turxaan bixin ku sameynayaan guddiyada kala duwan ee baarlamaanka.
LSK ayaa doonaysa in kiiskan ay ka soo jawaabaan xeer ilaaliyaha guud ee dalka Justin Muturi, baarlamaanka iyo guddiga adeegga dadweynaha ee PSC.