Qaramada midoobay ayaa sheegtay in tirada guud ee dadweynaha ku nool caalamka ay hadda tahay 8 bilyan oo qof.
Isbeddelka ku yimid cimillada awgiis waxay jimciyadda qurumaha ka dhexeysa ka digaysa in culeys dheeraad ah uu soo foodsaari karo gobollada uu ka jiro gaabadka kheyraadka.
Agaasimaha qaybta qaramada midoobay u qaabilsan tirooyinka John Wilmoth ayaa maanta sheegay in tirada dadweynaha oo gaartay 8 bilyan ay guul tahay balse sida uu hadalka u dhigay ay dhanka kale halis ku tahay mustaqbalka.
Kororka cadadka aadanaha ee ugu badan ayaa laga diiwaangeliyay waddamada uu dakhligoodu heer dhexe yahay si gaar ah qaaradda Aasiya oo tani iyo sanadkii 2011-kii ay ku darsameen ilaa 700 oo milyan oo ruux.
Tirada dadka India waxaa ku kordhay 180 milyan waxaana la filayaa in sanadka soo socdo ay ka sare marto Shiinaha oo ay hadda ku nool yihiin dadweynaha ugu tirada badan adduunka.
Meelaha ay tirada yaraatay waxaa ka mid ah Maraykanka , Yurub iyo Japan.
Qaramada midoobay ayaa saadaalinaysa in marka la gaaro sanadka 2080-ka , tirada dadweynaha dunida ay ku sii kordhi karto 2.4 bilyan .