Isbeddel lagu sameeyay hoggaanka booliiska Nairobi

0
328

Taliyihii booliiska ee ismaamulka Baringo Adamson Bungei ayaa loo magacaabay madaxa booliiska ee caasimadda wadanka ee Nairobi.
Isbeddelkan cusub ayaa waxaa shaaciyay abaanduulaha booliiska dalka Japhet Koome.
Bungei ayaa xilkan kala wareegaya Manasse Musyoka.
Adamson Bungei ayaa horay u soo noqday taliyaha saldhigga booliiska ee xaafadda Buruburu iyo bartamaha Nairobi waxaana labo sano ka hor loo wareejiyay Baringo.
Sidoo kale Jacinta Muthoni ayaa loo magacaabay agaasimaha shaqaalaha ee xarunta dhexe ee booliiska Kenya.
Koome ayaa Munga Nyale u magacaabay xilka agaasimaha isbeddellada booliiska ee xarunta dhexe.
Rashiid Yaquub ayaa loo magacaabay agaasimaha nidaamka ay bulshada uga shaqeyso amniga ee loo yaqaano Community Policing .

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here