Guddoomiyaha ismaamulka Nairobi Johnson Sakaja ayaa sheegay in isaga iyo madaxweynaha dalka William Ruto ay ka wada hadleen in barnaamijkii horay u socon jiray ee nadiifinta degmooyinka ee Kazi Mtaani lagu beddelo geedo la beeraya.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in qorshahan mar dhow la daahfuri doono.
Sakaja oo sheegay inuu arrintan kala hadlay adeegga keymaha ee KFS ayaa xusay in dhallinyarada geedaha beeri doono ay toddobaadkiiba shaqeynayaan afar cisho oo la siinaya lacag dhan 2,500 oo shilin.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in ujeeddada laga leeyahay arrintan ay tahay in da’yarta ay helaan lacago ay ku maareeyaan howlahooda si aynan uga qayb qaadan falal dambiyeedyada.
Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa horay u shaaciyay inay qorsheynayaan in muddo shan sano gudaheeda ah la beero 5 bilyan oo geedo ah si loo yareeyo saameynta abaarta iyo isbeddelka cimillada.