Qarax ka dhacay Afghanistan oo ay dad ku dhinteen

0
667

Qarax xoogan oo loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa ka dhacay meel u dhow saldhig booliis oo ku yaala galbeedka gobolka Herat ee dalka Afghanistan.
Waxaa ku dhintay ugu yaraan sideed qof halka in ka badan 50 kalena ay ku dhaawacmeen sida ay saraakiishu sheegeen.
Afhayeenka isbitaalka gobolka Rafiq Sherzai ayaa sheegay in tirada dhimashada ee qaraxa la filan karo in ay kororto sababo la xariira qaar ka mid ah dadka dhaawacmay oo ay xaaladoodu liidato.
Dowladda Mareykanka ayaa soo jeedinayso in dowladda kumeel gaar kaah ay maamuli karto Afghanistan ilaa iyo inta uu dalkasi doorasho cusub ka galayo.
Xoghayaha ururka gashaanbuurta NATO ayaa sheegay in ay ka bixi donaan dalka afganiistan xilliga saxda ah.
Mid ka mid ah dadka dhintay iyo 11 kale oo ah dadka dhaawacmay ayaa qayb ka ahaa ciidamada amniga ee Afghanistan, halka inta kalana ay ahaayeen rayid, oo ay ku jiraan haween iyo carruur, sida uu sheegay afhayeenka wasaaradda arrimaha gudaha ee dalkaas Tariq Arian.
Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxaan.
Dhanka kalana guddoomiyaha gobolka Herat, Sayid Cabdul Waaxid ayaa sheegay in dhowr haween iyo caruur ay kamid ahayeen dadka dhintay.