Madaxweynaha Indonesia oo baaq u diray G20

0
263

Madaxweynaha dalka Indonesia Joko Widodo ayaa dowladaha xubnaha ka ah dalladda G20 ugu baaqay inay ka shaqeeyaan sidii loo soo afjari lahaa dagaalka Ruushku uu ka wado gudaha dalka Ukraine.
Baaqan ayuu jeediyay xilli uu jasiiradda Bali ee Indonesia si rasmi ah uga furay shirka ay halkaasi ku yeelanayaan xubnaha G20.
Ururkan ayaa waxaa ku mideysan 20-ka waddan ee caalamka ugu horreeya dhinaca dhaqaalaha waxaana ka mid ah Argentina, Australia, Brazil, Canada, Shiinaha, Faransiiska, Jarmalka ,India, Indonesia, Italy, Japan, Republic of Korea, Mexico, Russia, Saudi Arabia, South Africa, Türkiga , Ingiriiska iyo Maraykanka.
Waxaa uu Widodo, sheegay inay farxad u tahay in dalkiisa uu sanadkan marti geliyo shirweynaha G20.
Mas’uulkan ayaa ku celceliyay in dunida aynan awoodin inuu ka dhaco dagaal kale oo qabow.
Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin waxaa shirkaasi ku matalaya wasiirka arrimaha dibadda ee xukuumadda Moscow Sergey Lavrov.