Tallaalka Covid-19 oo la gaarsiiyay Dowlad Deegaanka Soomaalida

0
784

Waxaa magaalada Jigjiga ee dowlad Deegaanka Soomaalida ee Itoobiya la gaarsiiyay tallaalka ka hortagga cudurka Covid-19.
Tallaalkan ayaa gaaraya 108,000 oo xabbo, waxaana saaka xarigga ka jaray tallaalka madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida Mustafa Muxumad Cumar.
Waxaana tallaalkan la siina doonaa shaqaalaha caafimaadka iyo dadka da’da ah.
Qofkii ugu horreeyay ee talaalka qaatay ayaa noqday madaxweynaha dowlad degaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya.
Waxaa uu sidoo kale ugu baaqay Madaxda kale in ay qaataan talaalka oo muhiim ah.