Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Ururka KNUT oo doonaya in aan isbeddel lagu sameyn manhajka CBC

Ururka KNUT oo doonaya in aan isbeddel lagu sameyn manhajka CBC

Xoghayaha guud ee ururka qaran ee macallimiinta (KNUT) ,Collins Oyuu ayaa sheegay in aan loo baahneyn in la farageliyo manhajka waxbarashada ee CBC.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in dowladda laga doonayo inay maalgelin ballaaran ku sameyso nidaamkan.
Xoghayaha KNUT ayaa carrabka ku adkeeyay inuu aaminsan yahay in hannaankan waxbarasho uu yahay midka ugu wanaagsan ee laga hirgelin karo gudaha wadanka.
Oyuu ayaa sheegay in ururka qaran ee macallimiinta ee KNUT uu markii hore ka soo horjeestay adeegsiga manhajkan maadaama sida uu hadalka u dhigay lagu tallaabo qaaday xilli aan habboonayn.
Waxaa uu tilmaamay inay xilligaasi doonayeen in diyaar garow badan la sameeyo ka hor inta aan nidaamkan la billaabin.
Xoghayaha KNUT ayaa xusay inay 13-kii bishii Saddexaad ee sanadkii 2019, ay sameeyeen cilmi baaris ay ku ogaadeen in aan la diyaarin fasallo ku filan ardayda qaadanaya CBC sidoo kalena aan barayaasha la siin tababarro dhameystiran.
Hasa ahaate waxaa uu sheegay inay hadda dowladda kula talinayaan inay miisaaniyad buuxda u qoondeyso manhajkan ayna waalidiinta ka qafiifiso culeysyada ay ka cabanayaan.
Collins Oyuu ayaa dhanka kale sheegay in ururka KNUT uu guddiga adeegga macallimiinta ee (TSC) kala shaqeynaya sidii loo xallin lahaa gaabadka dhanka tirada barayaasha ee ka jira dalka iyo sidoo kale dallacsiinta macallimiinta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments