Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Maraykanka oo malaayiin doolar dul dhigay horjoogayaasha Al-Shabaab

Maraykanka oo malaayiin doolar dul dhigay horjoogayaasha Al-Shabaab

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay abaal marin lacageed oo gaaraysa 10 milyan oo doolar una dhiganta 1.2 bilyan oo shilinka dalka ah inay siinayso cidii soo gudbisa xog horseedi karta in la soo xiro saddex xubnood oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab.
War qoraal ah oo ka soo baxay safaaradda Maraykanka ee magaalada Nairobi, ayaa lagu sheegay in shakhsiyaadkaan ay mas’uul ka ahaayeen weerarro badan oo argagixiso kuwaasoo ka dhacay Soomaaliya, Kenya iyo waddamada kale ee dariska la ah ayna ku dhinteen boqolaal qof.
Saddexdan nin ee Maraykanku doon doonayo ayaa kala ah Mahad Karate,Jehad Mostafa iyo Axmad Diiriye.
Sidoo kale waxaa qoraalka ku cad in Maraykanku uu ogyahay in Al-Shabaab ay lacago ku helaan qaabab badan oo sharci darro ah kuwaasoo caalamka ka dhaca si ay ugu maalgaliyaan howlahooda iyo inay sanad walba ku maalgaliyaan dilalka boqolaal qof oo shacab ah.
Bishii Siddeedaad ee sanadkii 2008-dii ayay ahayd markii waaxda arrimaha dibadda ee Maraykanka ay Al-Shabaab u aqoonsatay urur argagixiso.
Madaxa qaramada midoobay ee arrimaha xuquuqul aadanaha Volker Turk ayaa galinkii hore ee shalay sheegay in weerarro ay Al-Shabaab sanadkan gudihiisa ka gaysatay dalka Soomaaliya lagu dilay in ka badan 600 oo qof oo shacab ah.
Safiirka Maraykanka ee Soomaaliya Larry E. André, ayaa shir jaraa’id ka sheegay in qaraxyadii 29-kii bishii hore ka dhacay magaalada Muqdisho ay ku dhinteen ugu yaraan 121 qof halka 333 kalena ay ku dhaawacmeen.
Qof kasta oo xogtan doonaya inuu gudbiyo ayaa loogu baaqay inuu ku soo gudbiyo Telegram ama WhatsApp nambarrada kala ah  Kenya +254-71-87-12-366 ama +252-68-43-43-308.
Maraykanka ayaa sidoo kale sheegay in shakhsiyaadka xogahan la wadaago aan la abaal marin doonin keliya balse sidoo kale dib u dejin loo sameyn doono.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments