Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Kithure Kindiki ayaa digniin adag u diray kooxaha burcadda ee falal dambiyeedyada ka gaysta qaybaha wadanka.
Waxaa uu sheegay in shakhsiyaadkan iyo kuwa ku howlan dhaca xoolaha ee waqooyiga gobolka Rift Valley laga qaadi doono tallaabo adag oo sharciyeed.
Kindiki ayaa digniintan soo saaray xilli uu qabtay shir jaraaid oo uu ka sheegay in sidoo kale isbeddel lagu sameeyay hoggaanka adeegga qaran ee booliiska ee NPS.
Wasiirka ayaa sheegay in dowladda dhexe ay adeegsan doonto falcelin wajiyo badan leh si loo soo afjaro dhaca xoolaha iyo falalka kale ee burcadnimo.
Waxaa uu ku celceliyay in marnaba aynan oggolaan doonin in khalkhal la geliyo xasiloonida wadanka oo la dhibaateeyo shacabka.
Multifaceted onslaught has been launched against banditry in the North Rift. CS Prof. CS Prof @KindikiKithure says attacks being witnessed in the region have evolved beyond cultural aggression and now verge on crimes against humanity. pic.twitter.com/wBUYS12ina
— Ministry of Interior | Kenya (@InteriorKE) November 14, 2022