Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Xoghayaha magacaaban ee wasaaradda maaliyadda oo shaaciyay hantidiisa

Xoghayaha magacaaban ee wasaaradda maaliyadda oo shaaciyay hantidiisa

Waxaa maanta guddiga baarlamaanka ee maaliyadda hor tagay Chris Kiptoo oo uu madaxweynaha dalka u soo xushay xoghayaha joogtada ee wasaaradda maaliyadda.
Mr. Kiptoo ayaa sheegay inuu leeyahay hanti qiimaheedu yahay 338 milyan oo shilin.
Waxaa uu xusay in dhaqaalahan uu ka helay maalgashi hantiyadeed, guryo iyo dhulal uu ku leeyahay caasimadda dalka ee Nairobi.
Xoghayaha magacaaban ayaa guddiga baarlamaanka ee maaliyadda u sheegay in haddii la ansaxiyo, in yoolkiisa mid ka mid ah uu yahay xaqiijinta in dadweynaha ay canshuurta bixiyaan.
Hasa ahaatee, waxaa uu xusay in istaraatijiyaddiisu aysan dhaawici doonin dadka danyarta ah, islamrkaana aysan ku kordhineen canshuurta ay bixiyaan.
Waxaa uu sheegay inuu la shaqeyn doona maamulka canshuuraha dalka ee KRA, si aan loo dhibaateyn ganacsatada iyo canshuur bixiyeyaasha.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments