Bobi Wine oo sheegay in militariga Uganda ay gurigiisa howlgal ka fuliyeen

0
1005

Musharraxa madaxweynenimo ee dalka Uganda Bobi Wine ayaa sheegay in ciidamada difaaca ee wadankaas ay maanta howlgal ka sameyeen hoygiisa.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in la xiray qaar ka mid ah ilaaladiisa iyadoo wax sabab ah aysan jirin.
Waxay siyaasigan dantu ku khasabtay inuu joojiyo wareysi uu siinayay mid ka mid ah idaacadaha maxalliga ee sida gaarka ah loo leeyahay ee Hot96Kenya.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo lagu wado in 14-ka bishan ay doorasho guud ka dhacdo Uganda.
Bobi Wine ayaa ah musharraxa ugu cadcad ee doonaya inuu hoggaanka Uganda kala wareego madaxweyne Yoweri Museveni oo dalkaas hoggaaminayay tan iyo sanadkii 1986-dii.