Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Caalamka Booliska dalka Turkiga oo xabsiga u taxaabay 22 qof oo lagu tuhmaya...

Booliska dalka Turkiga oo xabsiga u taxaabay 22 qof oo lagu tuhmaya qaraxii Istanbul

Booliska dalka Turkiga ayaa 22 qof u xiray qaraxii shalay galab ka dhacay bartamaha magaalada Istanbul oo ay ku dhinteen ugu yaraan 8 qof halka 81 kalena ay ku dhaawacmeen.
Wasiirka arrimaha gudaha ee Turkiga Suleyman Soylu ayaa u sheegay maanta wariyeyaasha in tuhmanayaasha uu ku jiro qofkii waddada dhigay bamkii qaraxa dhaliyay.
Waxaa uu sheegay in weerarkan ay ka dambeeyeen maleeshiyaadka kurdiyiinta ee PKK.
Ilaa hadda ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxa.
Falkan ayaa laga soo tabiyay waddada caanka ah ee Istiklal Avenue ee magaalada Istanbul.
Waxaa saameynta ka dhalatay qaraxa ka hadlay si wayna u cambaareeyay madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan.
Weerarka ayuu ku tilmaamay mid wuxushnimo ah oo u muuqdo mid argagixiso.
Erdogan ayaa ballanqaaday in cidii ka dambeysay qaraxa la ciqaabi doono.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments