Labada xisbi ee mucaaradka ah ee jamhuuriyadda Somaliland ayaa sheegay in wixii ka dambeeyay 13-kii bishan ee shalay ku beegneyd aynan u aqoonsanayn madaxweyne Muuse Biixi iyo xukuumaddiisa kuwo sharci ku fadhiya xafiiska oo haysta kalsoonidii shacabka.
“Maanta laga bilaabo Muuse Biixi iyo Xukuumaddiisu uma aqoonsanin kuwo sharci ku fadhiya, Muuse waxa aynu u aqoonsannahay Madaxweynihii xilku ka dhammaaday, Madaxweyne aan haysan kalsoonida shacbiga” ayuu yiri Cabdiraxmaan Maxamad Cabdillaahi Cirro oo ah musharraxa madaxweynaha ee xisbiga Waddani.
Maanta laga bilaabo Muuse Biixi iyo Xukuumadiisu uma aqoonsanin kuwo sharci ku fadhiya, Muuse waxa aanu u aqoonsannahay Madaxweynihii xilku ka dhammaaday, Madaxweyne aan haysan kalsoonida shacbiga iyo Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye. Daawo: https://t.co/wXbeQ9VLMz pic.twitter.com/0E2SYKJk7z
— Cabdiraxmaan Cirro (@Abdirahmanirro) November 13, 2022
Go’aankan ay shaaciyeen labada xisbi ee mucaaradka ah UCID iyo WADDANI ayaa ka dambeeyay markii xalay shir jaraa’id ku qabteen magaalada Hargaysa.
Arrintan ayaa waxa sal u ah khilaaf beryahan ka taagnaa qabsoomidda doorashada madaxtooyada oo sharcigu dhigayo in shantii sano mar la qabto, hase yeeshee ay sanadkan isku soo beegmeen dhammaadkii muddada tobanka sano ah ee ay xisbiyada siyaasaduna jirayaan.
Waxaa sida xukuumaddu ku doodayso xeerku dhigayaa in lixda bilood ee u dambeeya muddada xisbiyada la furo tartanka ururrada siyaasadda oo doorashadooda ay ka soo baxaan saddex xisbi oo jiri doona tobanka sano ee soo socda.
Arrintaan oo ay mucaaradku kaga aragti duwan yihiin oo ay qabaan in ay tahay in marka hore la qabto doorashada madaxweynaha.
Dhanka kale, wasiirka arimaha gudaha Somaliland, Maxamed Kaahin Axmed oo go’aanka mucaaradka ka falceliyey ayaa dhaliilay xisbiyada kuna tilmaamay in ujeedadoodu tahay in aynan dalka dowlad ka jirin.