Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa sheegay in dowladda dhexe ay qaadi doonto tallaabooyin dib loogu soo celinaya xasiloonidii dooxada Kerio Valley.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay inay ka go’an tahay soo afjaridda dhaca xoolaha si shacabka ay uga qayb qaataan howlo dhaqaale.
William Ruto ayaa xilli uu maanta ku sugnaa ismaamulka Baringo madaxda kala duwan ugu baaqay inay ka fogaadaan siyaasadda kala qaybinta ku saleysan oo ay wada shaqeyaan.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in dib loo furi doono ilaa 20 dugsi oo ku yaalla ismaamulka Baringo oo amni darrada halkaasi ka jirta awgeed albaabada la isugu dhuftay.
Hoggaamiyaha wadanka ayaa digniin adag u diray kooxaha gaysta falal dambiyeedyada oo uu sheegay inay falalkan ka waantoobayaan ama ay dantu ku qasbi doonto inay faraha kala baxaan.