DHAGEYSO:Madaxweynaha dalka oo maanta ku sugan Baringo

0
300

Madaxweynaha dalka William Ruto oo ay wehelinayaan siyaasiyiin kale ayaa maanta ku sugan ismaamulka Baringo ee gobolka Rift Valley.
Waxaa uu halkaasi u tagay inuu shacabka Baringo uga mahadceliyo sidii ay u taageereen isbeheysiga Kenya Kwanza ee hoggaanka dalka la wareegay.
Hoggaamiyaasha madaxweynaha dalka socdaalkiisa ku wehelinaya waxaa ka mid ah ku xigeenkiisa Rigathi Gachagua, barasaabka Baringo Benjamin Cheboi, wasiirka gaadiidka Kipchumba Murkomen dhigiisa horumarinta iskaashatada Simon Chelugui, hoggaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka Kimani Ichungwa.
Mr. Ichungwa ayaa madaxweynaha dalka ugu baaqay inuu ka dhabeeyo ballanqaadyadii uu u sameeyay kenyaanka oo ay ka mid tahay la dagaalanka musuqmaasuqa, wax ka qabashada dhaqaalaha iyo la tacaalidda amni darrada.