Maraykanka: Diyaarado shalay isku dhacay oo la baaraya

0
203

Waxaa maanta magaalada Dallas ee gobolka Texas ee Maraykanka tagaya koox qaabilsan baaritaannada dhanka gaadiidka .
Shalay ayay ahayd markii labo diyaaradood oo ay leeyihiin ciidamada militariga ee Maraykanka ay isku dhaceen xilli ay meel dhexe marayeen.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in dhacdadaasi ka dib ay diyaaradaha dhulka ku soo dhaceen iyagoo burburay oo uuna dab ka kacay.
Ilaa iyo hadda ma cadda dadka ku dhintay ama ku dhaawacmay shilkaasi.
Labada diyaaradood ayaa kala ahaa Boeing B-17 iyo Bell P-63 Kingcobra.
Shilka ayaa dhacay xilli ay dulmarayeen magaalada Dallas sida laga soo xigtay maamulka duullimaadyada (FAA).