Wasiirka maaliyadda oo soo daabacay xeerarka sanduuqa danyarta

0
196

Wasiirka wasaaradda maaliyadda iyo qorsheynta dhaqaalaha dalka Prof .Njuguna Nd’ung’u ayaa soo saaray xeerarka loo adeegsanaya maareynta sanduuqa lacageed ee ay dowladdu ugu tala gashay taageeridda ganacsatada yaryar ee muruqmaalka ah.
Dhaqaalahan oo uu baarlamaanka si rasmi ah u qoondeyn doono ayaa gaaraya 50 bilyan oo shilin.
Waxay tani ka mid tahay waxyaabihii uu madaxweyne William Ruto ballanqaaday xilligii ololaha doorashada.