Nin xaaskiisa lacag madax furasho ah ka dalbaday oo la xiray

0
313

Waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ayaa sheegtay in gacanta lagu dhigay eedeysane 32 sano jir ah oo lagu magacaabo Nemwel Ondari.
Waxaa loo haystaa inuu afduubtay wiil ay xaaskiisa nin kale u dhashay.
Falkan ka dib ayuu tuhmanaha xaaskiisa, Everline Nandera ka dalbaday inay bixiso lacag madax furasho ah oo dhan 50,000 oo shilin si uu wiilka u soo daayo.
Saraakiisha booliska ee ismaamulka Nairobi ayaa xiray iyadoo wiilka oo 8 sano jir ah hooyadii loo geeyay.
Laamaha ammaanka ayaa laga soo xigtay in Nemwel Ondari uu tallaabadan qaaday ka dib muran dhanka qoyska ah oo soo kala dhex galay isaga iyo xaaskiisa.
Howlgalka lagu soo xiray ayaa yimid ka dib markii marwada ay warbixin u gudbisay ciidamada saldhigga booliiska ee Embakasi
Eedeysanaha ayaa hadda baaritaano dheeraad ah lagu hayaa ka hor inta aan maxkamad la soo taagin.