Waxaa la qorsheeyay in berri baarlamaanka wadanka uu su’aallo waydiiyo 11 ka mid ah 51 qof oo loo soo xushay inay noqdaan xoghayeyaasha joogtada ah ee wasaaradaha dowladda sare.
Shakhsiyaadkan ayaa waxaa soo magacaabay madaxweynaha dalka William Ruto.
Turxaan bixinta berri billaabanaysa ayaa socon doonto shan cisho si loo xaqiijiyo in dadkan ay u qalmaan u adeegidda qaranka.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in turxaan bixinta ay sameyn doonaan guddiyada kala duwan ee golaha xeer dejinta.
Waxaa ugu horreeya oo abaare 9-ka subaxnimo ee berri baarlamaanka hor tagi doono Mr. Julius Korir oo loo soo xushay xoghayaha waaxda arrimaha golaha wasiirrada.
Waxaa su’aallo waydiin doono guddiga baarlamaanka ee arrimaha gudaha iyo maamulka oo uu guddoomiye u yahay xildhibaanka galbeedka Narok Gabriel Tongoyo.
Isla xilligaasi Mr, Philip Harsame ,xoghayaha magacaaban ee waaxda dalagga iyo dhigiisa maaliyadda Mr. Chris Kiptoo, ayaa hor tagi doono guddiyada beeraha iyo maaliyadda.
Mr .Harsame ayaa laga doonaya inuu faahfaahin ka bixiyo wax ka qabashada abaarta.
Abaare 11:30-ka barqanimo ee berri waxaa turxaan bixin lagu sameyn doonaa Mr. Raymond Omollo oo loo soo magacaabay xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha gudaha.
Guddiyada baarlamaanka ayaa waxaa qasab ah inay golaha warbixinno u gudbiyaan 24-ka bishan 11-aad.