Barasaabka ismaamulka Nairobi Johnson Sakaja ayaa shaaciyay in sanadka 2023-ka caasimadda wadanka lagu qaban doono shirweyne looga hadli doono la tacaalidda isbeddelka ku yimaada cimillada.
Sakaja ayaa dhanka kale sheegay in dowladda hoose ee ismaamulka Nairobi ay ka go’an tahay in geedo badan lagu beero goobaha dadweynaha.
Waxaa uu sheegay inay barnaamijkan la kaashanayaan adeegga keymaha wadanka ee (KFS) iyo waaxyo kale oo diiradda saara muujinta bilicda deegaanka.
Guddoomiyaha ayaa carrabka ku adkeeyay inay aad muhiim u tahay in shacabka si dhameystiran loogu wacyigeliyo ilaalinta deegaanka.