Ruushka oo ciidamadiisa ka saaray Kherson

0
220

Dowladda Ruushka ayaa sheegtay inay ciidamadeeda gebi ahaanba banneeyeen magaalada Kherson ee dalka Ukraine.
Wasaaradda gaashaan dhigga ee xukuumadda Moscow ayaa sidatan laga soo xigtay.
Bayaan maalinle ah oo ay siiso wakaaladaha wararka ee Ruushka ayay wasaaraddu ku sheegtay in dhammaan ciidamadii ku sugnaa Kherson iyo hubkooddii loo wareejiyay dhanka bari ee webiga Dnieper abaare 5-tii aroornimo ee maanta ee saacadda Ruushka.
Arbacadii ayay ahayd markii dowladda Ruushka ay soo saartay amar ay ciidamadeeda ugala baxaysa Kherson oo ka tirsan Ukraine.