Jadwalkii caadiga ahaa ee dugsiyada oo billaabanaya sanadka cusub

0
218

Wasaaradda waxbarashada ee dalka ayaa shaacisay in jadwal sanadeedkii caadiga ahaa ee dugsiyada hoose dhexe iyo dugsiyada sare uu billaaban doono bisha Koowaad ee sanadka 2023.
Nidaamkan ayay saameyn ku timid sanadkii 2020 ka dib markii uu wadanka u soo gudbay cudurka COVID-19.
Waxaa xilligaasi la xiray goobaha tacliinta iyadoo wasaaradda waxbarashada ay dib u eegis ku sameysay muddada xilli dugsiyeedka kala duwan.
Bayaan ka soo baxay xafiiska xoghayaha joogtada ah ee tacliinta aasaasiga ayaa muujinaya in xilli dugsiyeedka koowaad uu billaaban doono 23 bisha Jannaayo ee sanadka 2023 oo uu soconaya 13 isbuuc.
Waxaa uu qorshuhu yahay in dugsiyada la xiro 21-ka bisha Afaraad ee sanadka dambe.
Jadwalka waxaa ku cad in xilli dugsiyeedka labaad oo isna 13 toddobaad ah uu u dhexeyn doono 8-da bisha shanaad ee May ilaa 11-ka bisha Siddeedaad.
Sidoo kale xilli dugsiyeedka ugu dambeeya oo ka koobnaan doono 10 isbuuc ayaa soconaya 23-ka bisha Siddeedaad ilaa 9-ka bisha 11-aad ee sanadka soo socdo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here