Shirkadda isgaarsiinta ee Safaricom laanteeda dalka Itoobiya ayaa sheegtay in bishii ugu horreysay ay soo saartay dakhli gaaraya 98.3 milyan oo shilin.
Bishii hore ayay ahayd markii madaxa fulinta ee shirkadda isgaarsiinta Peter Ndegwa uu qaybta Safaricom ee Itoobiya si rasmi ah u daahfuray.
Waxaa munaasabadaasi ka qayb galay madaxweynaha dalka William Ruto, ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo madaxa shirkadda ee dalkaasi Anwar Soussa .
Peter Ndegwa ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin horumarka ganacsi ee ay gudaha Itoobiya ka sameeyeen tan iyo horraantii bishii Tobnaad ee sanadkan.
Waxaa uu intaasi ku daray in ilaa iyo hadda ay gudaha Itoobiya ku leeyihiin macaamiil ay tiradoodu kor u dhaafayso 740,000 halka 20,000 ay si maalinle ah ugu soo biiraan tiradan.