Iyadoo dowladda dhexe ay ku howlan tahay uruurinta afkaarta dadweynaha ee ku aaddan manhajka waxbarashada ee CBC ayuu Ibraahim Cali Xasan oo ku magacdheer Xaydar oo ka mid ah waxgaradka ismaamulka Garissa si wayn uga soo horjeedaa in nidaamkan wadanka laga hirgeliyo.
Waxaa uu ku doodaya in manhajka CBC uunan hor u socod lahayn sidaas awgeedna loo baahan yahay in dib loogu noqdo nidaam hore oo uu isaga wax ku soo bartay lixdameeyadii.