Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa dhigiisa Shiinaha Xi Jinping la yeelan doono kulan dooceed xilliga la qabanaya shirka dalladda ay ku mideysan yihiin 20-ka waddan ee caalamka ugu horreeya dhanka dhaqaalaha.
Waxaa sidatan xaqiijiyay aqalka cad ee Maraykanka looga arrimiyo.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo labada xukuumadood ee Washington iyo Beijing uunan ka dhexeyn xiriir wanaagsan .
Kulanka Biden iyo Xi Jinping ayaa noqonaya midkii ugu horreeyay ee fool ka-fool ah tan iyo horraantii sanadkii 2021-kii.
Qoraalka aqalka cad waxaa ku xusan in Biden uu dhigiisa Shiinaha 14-ka bishan kula hadli doono jasiiradda Bali ee dalka Indonesia oo uu ka dhici doono shirka G20.