Waxaa maanta si toos ah oo dhameystiran u billaabanaya duullimaadyada shirkadda Kenya Airways.
Tani ayaa imaanaysa ka dib markii afar cisho ay howlaha shirkadda hakad galeen shaqo joojin ay ku dhaqaaqeen duuliyeyaasha awgeed.
Maamulka Kenya Airways ayaa hoosta ka xarriiqay in aynan fududeyn in laga gudbo saameyntii dhaqaale ee ka dhalatay shaqo joojintii duuliyeyaasha balse ay u baahan tahay dadaal labo jibbaar ah.
Shaqo joojintii duuliyeyaasha ayaa waxaa lagu soo afjaray amar ka soo baxay maxkamadda shaqada iyo shaqaalaha.