Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Hilibka Kenya oo loo iibgeyn doono Koonfur Afrika

Hilibka Kenya oo loo iibgeyn doono Koonfur Afrika

Waxaa la filayaa in laga billaabo bisha soo socoto badeecooyinka hilibka ee lagu sameeyo gudaha wadanka in loo dhoofiyo dalka Koonfur Afrika.
Waxaa arrintan shaaciyay madaxweynaha dalka William Ruto oo shalay kulan la qaatay dhigiisa Koonfur Afrika Cyril Ramaphosa oo Kenya ku yimid booqasho labo cisho ah.
William Ruto ayaa maanta shaaciyay in laga billaabo bisha Diseembar ee sanadkan meesha laga saaraya xayiraad jirtay 10 sano oo aan hilibka Kenya loo iibgeyn Koonfur Afrika.
Xayiraadda ayaa ahayd mid ku saleysan arrimo caafimaad oo laga heshiiyay.
Hadalkan ayuu ka sheegay shirka sanadlaha ee rugta ganacsiga dalka ee (KNCCI) oo lagu qabtay magaalada Nairobi.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments