Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Maxkamadda oo laashay dacwad ka dhan ahayd Gachagua

Maxkamadda oo laashay dacwad ka dhan ahayd Gachagua

Maxkamadda dhageysata kiisaska la xiriira musuqmaasuqa ayaa meesha ka saartay dacwad laga gudbiyay madaxweyne ku xigeenka wadanka Rigathi Gachagua iyo sagaal eedeysanayaal oo kale.
Garsoore Victor Wakumile ayaa aqbalay codsi ay gudbisay waaxda dacwad oogidda wadanka oo ahaa in kiiskan la soo xiro maadaama aan la hayn caddeymo ku filan oo loo cuskan karo.
Hasa ahaate xaakinka ayaa eedeysanayaasha ku wargeliyay inay suurtagal tahay in mustaqbalka loo xiro eedeymo arrikan ku aaddan.
Rigathi Gachagua ayaa xilli uu ahaa xildhibaanka deegaanka Mathira ee ismaamulka Nyeri lala xiriiriyay fadeexaad musuqmaasuq oo la sheegay in lagu lunsaday lacag dhan 7.3 bilyan oo shilin.
Hasa ahaate agaasimaha waaxda dacwad oogidda wadanka Nuurdiin Xaaji ayaa dhawaan maxkamadda geeyay codsi ah in aan la sii wadin dacwadda.
Tani ayaa timid ka dib markii sarkaalkii baaritaannada hoggaaminayay Kuria Obadia uu qirtay in agaasimihii hore ee waaxda dambi baarista dalka George Kinoti uu ku cadaadiyay inuu baaritaano ku sameeyo Gachagua si loo maxkamadeeyo.
Kooxda u doodaysa madaxweyne ku xigeenka dalka ayaa dhankeeda doonaysa in agaasimaha dacwad oogidda lagula xisaabtamo inuu kiis maxkamadda geeyay isagoo aan u hayn caddeymo dhameystiran.
Garsooraha ayaa agaasimaha waaxda dacwad oogidda Nuurdiin Xaaji ku dhaliilay inuu dacwad ka gudbiyay Gachagua iyo shakhsiyaadka kale iyadoo aan la sameyn baaritaano dhameystiran.
Xaakinka ayaa xusay inay jirto baahi loo qabo in maxkamadda ay soo saarto talooyin ku saabsan xoojinta nidaamka dambi baarista ee wadanka si mustaqbalka xaaladdan oo kale looga baaqsado.

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments