Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa maanta sheegay in maamulkiisa uu ku dadaalaya sidii boqolkiiba 90 ee adeegyada ay dowladdu u fidiso dadweynaha looga dhigi lahaa kuwo dijitaal ah.
Qorshahan ayuu xusay in la hirgelin doono muddo hal sano gudaheeda ah.
Ruto ayaa arrintan sheegay xilli uu ka hadlay kulanka ganacsiyada yaryar iyo kuwa heerka dhexe ah.
Waxaa uu sheegay in adeegyada oo la casriyeeyo ay shacabka si fudud ku heli doonaan iyagoo ku sugan guriyahooda.
Hoggaamiyaha wadanka ayaa xusay in sidoo kale ay fududaan doonto in ganacsi la sameysto maadaama shatiyada lagu qaadan doono qaab online ah.
William Ruto ayaa carrabka ku adkeeyay in boqolkiiba 15 ee adeegyada dowladda hadda lagu bixiyo qaab casri ah sidaas awgeedna muddo u dhexeysa 6 bilood ilaa hal sano tiradan la gaarsiin doono boqolkiiba 90.