Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya Taliyaha NISA Mahad Salaad oo gaaray dalka Itoobiya

Taliyaha NISA Mahad Salaad oo gaaray dalka Itoobiya

Taliyaha hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ee NISA Mahad Salaad ayaa gaaray magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya.
Waxaa halkaasi ku soo dhaweeyay dhigiisa wadankaasi, iyadoo soo dhaweynta ka dib wafdigan sare loo galbiyay halka loo qorsheeyay inay dagaan.
Taliye Mahad Salaad oo socdaalkiisa laba cisho qaadanaya ayaa dhigiisa Sirdoonka Itoobiya kala hadli doona muhiimadda ay leedahay ka hor tagga Aragagixisada ku sii baahaysa Bariga Afrika iyo inay habboon tahay in si wada jir ah la iskaga kaashado.
Safarka taliye Mahad Salaad ayaa ku soo beegmay maalmo yar ka dib markii Agaasime ku xigeenka Hay’adda Sirdoonka Itoobiya Sisay Tola uu soo gaaray magaalada Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments