Wasiirka arrimaha gudaha oo la kulmay madaxda galbeedka Pokot iyo Baringo

0
193

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka Prof. Kithure Kindiki ayaa maanta kulan la qaatay siyaasiyiinta ismaamullada galbeedka Pokot iyo Baringo.
Waxay ka wada hadleen xal u helidda falalka amni darro ee ku soo noqnoqday qaybo ka mid ah waqooyiga Rift Valley.
Wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran ayaa bayaan ku sheegtay in shirka ay ka qayb galeen hoggaamiyeyaal ay ka mid yihiin xildhibaanka deegaanka Tiaty ee ismaamulka Baringo William Kamket iyo dhigiisa Koonfurta Pokot David Pkosing.
Kindiki ayaa madaxda isugu yeeray isagoo ka amba-qaadaya amarkii madaxweynaha dalka William Ruto ee ahaa in la dardargeliyo soo afjaridda dhaca xoolaha iyo burcadnimada saameysay gobolka Rift Valley iyo qaybaha kale ee wadanka.
Qoraalka wasaaradda waxaa ku cad in mas’uuliyiinta iyo wasiirka ay ka wada xaajoodeen siyaabaha wax ku ool-ka ah ee lagu cirib tiri karo falalkan iyo caqabadaha kale.
Amni darro marar kala duwan saameysay waqooyiga gobolka Rift Valley ayaa waxaa ku dhintay boqolaal qof , shacab badan ayaa guriyahooda ka barakacay halka kumannaan xoolo ah la dhacay.
Shalay ayay ahayd markii wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka ay shaacisay in howlgallo ka socdo waqooyiga Rift Valley iyo qaybaha kale ee dalka dib loogu soo helay in ka badan 700 oo neef oo horay loo dhacay.
Waxay isugu jiraan ku dhawaad 500 oo ari ah , 70 neef oo lo’ ah iyo 200 oo geel ah.
Xoolahan ayaa laga kaxeystay ismaamullada Turkana, Baringo, iyo Isiolo waxayna dowladdu sheegaysa in dib loogu wareejiyay dadkii lahaa.
Sidoo kale ugu yaraan hal qof oo looga shakisan yahay burcadnimo ayaa lagu toogtay ismaamulka Turkana iyadoo sidoo kale ay ciidamada hub soo heleen.
Howlgalka ayaa la sii ballaariyay waxaana uu hadda ka socdaa ismaamullada West Pokot, Samburu, Elgeyo Marakwet iyo Laikipia .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here