Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa maanta xarunta madaxtooyada ee State House ee magaalada Nairobi ku soo dhaweeyay dhigiisa wadanka Koonfur Afrika ,Cyril Ramaphosa.
Mas’uulkan ayaa Kenya ku yimid safar rasmi ah oo qaadanaya labo cisho.
Waxaa gagida caalamiga ee diyaaradaha ee JKIA ee magaalada Nairobi ku soo dhaweeyay wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Alfred Mutua iyo dhigiiisa wasaaradda macdanta ,Salim Mvurya.
Safarka Ramaphosa ayaa salka ku haya in isaga iyo madaxweyne William Ruto ay yeeshaan wada hadallo lagu xoojinaya iskaashiga laba geesoodka ee dhanka dhaqaalaha , siyaasadda , dhaqanka iyo xiriirka bulsho.
Ramaphosa ayaa loo riday 21 rasaas sharafeed ah.
Sidoo kale waxaa lagu wadaa in wada hadallada Ruto iyo Ramaphosa xoogga lagu saaro dalku-galka la siiyo Kenyaanka marka ay tagaan Koonfur Afrika oo ah mid laga dayriyay.
Sanadkii 2021-kii ayay ahayd markii Kenya iyo Koonfur Afrika ay wada saxiixdeen ilaa 8 heshiis oo ku saabsanaa sare u qaadidda xiriirkooda ganacsi iyo maalgashi.
State Visit by H.E Cyril Ramaphosa, President of the Republic of South Africa, State House, Nairobi. https://t.co/iCPbn1Xtgy
— State House Kenya (@StateHouseKenya) November 9, 2022