Madaxweynaha dalka oo ku baaqay in kheyraad loo raadiyo barnaamijyada biyaha

0
242

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa soo jeediyay in waddamada kala duwan ee caalamka ay iska kaashadaan sidii loo heli lahaa dhaqaale lagu qarash gelin karo barnaamijyada biyaha.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in arrintan oo lagu guulaysto ay ku xiran tahay sida ay madaxda ugu dadaalaan.
Hadalkan ayuu ka sheegay magaalada Sharma El-Sheikh, ee dalka Masar xilli uu ka qayb galay shir heer-sare ah oo looga hadlayay maalgashiga dhanka biyaha ee qaaradda Afrika.
Kooxda shirkan soo qaban qaabisay ayaa loo xil saaraya inay ku dadaasho sidii sanad waliba loo uruurin lahaa 30 bilyan oo doolar ilaa sanadka 2030-ka.