In ka badan 6 qof oo ku dhimatay dhul gariir saameeyay Nepal

0
290

Ugu yaraan 6 qof ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen dhul gariir cabbirkiisu lagu sheegay 6.6 oo ku dhuftay dalka Nepal.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in musiibadan ay ku dhaawacmeen dhowr qof oo kale.
Saraakiisha Nepal ayaa laga soo xigtay in degmada Doti ee waqooyiga galbeed ee wadankaasi ay ku burbureen guriyo dhowr ah.
Taliye ku xigeenka booliska degmada Doti ,Bhola Bhatta ayaa sheegay in afar carruur ay ka mid yihiin dadka ay waxyeelladu soo gaartay.
Tirada guriyaha burburay ayuu ku sheegay siddeed.