Wasiirka olimbikada Japan oo sheegtay in ciyaartooyda dalkaas aysan qaadan doonin tallaalka COVID-19 ee uu bixiyay Shiinaha

0
674

Wasiirka olimbikada Japan oo sheegtay in ciyaartooyda dalkaas aysan qaadan doonin tallaalka COVID-19 ee uu bixiyay Shiinaha
Wasiirka cayaaraha olombikada Japan Tamayo Marukawa ayaa sheegtay in ciyaartooyda wadankaas aysan qaadan doonin tallaalka cudurka COVID-19 ee ay bixisay dowladda Shiinaha maadaama aynan ansaxin dowladda Japan.
Guddiga olombikada Shiinaha ayaa ciyaartooyda ka qayb galaya cayaaraha olimbikada sanadkan ugu deeqay tallaalka ka dhanka ah cudurka.
Madaxweynaha xiriirka olimbikada Thomas Bach ayaa shalay sheegay in cayaartooyda la tallaali doono maadaama dowladda Shiinaha ay ku deeqday tallaalkaasi.
Balse Marukawa ayaa carrabka ku dhuafatay inaysan waxba iska beddelin qorshahoodii la xiriiray tallaalka cudurkan iyadoo aan loo eegin in cayaartooyda ka qayb galaysa ay qateen tallaalka iyo in kale.
Haweeneydan ayaa xustay in go’aanka lagu qaadanayo tallaalkan ay qaadanayaan wadamada ansaxiyay iyadoo intaa ku dartay inaysan jirin wax codsi ah oo uga yimid shirkadaha Shiineeska ee soo saaray tallaalkan.
Cayaaraha Olimbikada ee magaalada Tokyo ayaa lagu wadaa in ay socdaan 23-ka bisha toddobaad ilaa 8-da bisha sideedaad ee sanadkan ka dib markii dib loo dhigay muddo sanad ah sababo la xiriira cudurka COVID-19 awgii.