Ukraine oo eedeyn hor leh u jeedisay Ruushka

0
318

Dowladda dalka Ukraine ayaa ciidamada Ruushka ku eedeysay inay bililiqeysteen guriyo dadkii degganaa ay ka qaxeen oo ku yaalla magaalada Koonfureed ee Kherson.
Eedeynta waxaa qayb ka ah in saraakiisha iyagoo ku labisan dharka caadiga ah ee rayidka ay guriyahaasi dageen.
Ukraine ayaa ku andacoonaysa in ciidamada xukuumadda Moscow ay u diyaar garoobayaan inay waddooyinka kula dagaallamaan militariga Kyiv.
Maalmihii ugu dambeeyay ayay dowladda Ruushka waxay shacabka Kherson ka dalbaneysay inay guriyahooda iska baxaan maadaama Ukraine ay u diyaar garobaysa duullaan ay dib ugula wareegaysa magaladaasi iyo si guud gobolka Kherson.