Barasaabka ismaamulka Garissa Nathiif Jaamac Aadan ayaa si rasmi ah u furay tababar saddex cisho soconaya oo ay wasiirrada cusub ee dowlad deegaankaasi ku qaadanayaan Mombasa.
Waxaa la filayaa in tababarka diiradda lagu saaro arrimo muhiim ah sida dowlad wadaajinta , maamulka , adeegyada loo fidiyo dadweynaha , hoggaanka iyo maareynta lacagaha dadweynaha.
Wasiirrada ayaa inta uu tababarka u socdo waxaa la fahansiin doonaan xeerar muhiim ah oo qodobbadan la xiriira.
Sidoo kale waxay ka wada tashan doonaan qaabka ugu wanaagsan ee ay si hufan ugu adeegi karaan shacabka ku nool ismaamulka Garissa.
Waxaa barasaabka furitaanka shirka ku wehelinayay ku xigeenkiisa Cabdi Dhaqane.