Duqa Kyiv oo ku boorriyay shacabka in ay isku diyaariyaan in si ku meel gaar ah uga baxaan magaaladaasi

0
401

Madaxweynaha dalka Ukraine Volodymyr Zelenskiy ayaa maalinkii Axadda ka digay weerarro kale oo ay suurtagal ah in dowladda Ruushka ay ku qaaddo kaabayaasha tamarta ee dalkaasi.
Waxaa sido kale digniin soo saray duqa magaalada Kyiv isagoona dadka deegaanka ku boorriyay inay ka fiirsadaan iskuna diyaarinayaan inay si ku meel gaar ah uga baxaan caasimadda haddii ay dhacdo in magaala madaxda Ukraine ay wajahdo biyo iyo koronto la’aan.
Toddobaadyadii la soo dhaafay ayaa waxaa jirtay in Ruushku uu bartilmaameedsanayay dalkaasi Ukraine guud ahaantiisa marka lagu daro meelaha Ruushku uu gacanta ku haayo.
Dhanka kale Afhayeen u hadlay dowladda Jarmalka ayaa sheegay in Ukraine looga baahan yahay in ay go’aansato xilliga ay wadahadallo nabadeed la yeelanayso dowladda Ruushka.
Waxaa hadalkan uu yimid ka dib markii ay soo baxeen warbixinno sheegaya in Maraykanka uu ku dhiirigeliyay xukumadda Kyiv in ay muujiso furfurnaan ku aaddan wadahadallada.