Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa dalka Masar kula kulmay ra’iisul wasaaraha cusub ee Ingiriiska, Rishi Sunak.
Labada mas’uul ayaa ku heshiiyay in la dardargeliyo mashaariic dhanka maalgashiga tamarta ah oo gaaraya 6 oo ay ku baxaysa lacag dhan 500 oo bilyan oo shilin.
Barnaamijyadan oo ay UK ku taageeraysa Kenya ayaa ku saabsan tamarta laga dhalliyo waxyaabaha dabiiciga ee loo yaqaano Green Energy, wax soo saarka beeraha iyo gaadiidka.
PRESIDENT RUTO: KENYA AND UK TO PARTNER IN GREEN ENERGY PROJECTS
The United Kingdom will fast-track new green investments in the country. pic.twitter.com/ibEy5NYAFu
— State House Kenya (@StateHouseKenya) November 7, 2022




