Shirkadda Kenya Airways oo soo bandhigtay fursado shaqo

0
387

Shirkadda duullimaadyada dalka ee Kenya Airways ayaa xayaysiineyso shaqooyinka duuliyaha iyo kabtanka ee diyaaradaheeda.
Tallaabadan ayaa waxa ay ku soo aadeysa iyadoo ay jirto shaqo joojin ay sameeyen duuliyaashi shirkadda waxaa ayna arrintaasi sababtay hakad ku yimid duullimaadyadii.
Shirkadda Kenya Airways ayaa ugu yeereysa shakhsiyaadka u qalma inay soo codsadaan boosaska inay soo dirsadaan.
Shaqaaalaha shirkadda duullimaadyada dalka ee Kenya Airways ayaa Sabtidii ku dhaqaaqay shaqa joojin.
Waxaa ay ka cabanayaan lacago ka maqan iyo tabashooyin kale oo ay doonayaan in la xalliyo.
Shaqaalaha shirkadda ayaa dalbanaya in la wanaajiyo xaaladaha ay ku shaqeeyaan duuliyeyaasha sidoo kalena wax laga beddelo habka loo maamulo shirkadda.
Dhanka kale madaxa fulinta ee shirkadda duullimaadyada ee (KQ) Allan Kilavuka ayaa ka codsaday duuliyayaasha shaqo joojinta ku guda jira in ay shaqada ku soo laabtaan haddii kale ay halis ugu jiraan in la beddelo.
Kilavuka ayaa shir jaraa’id oo uu qabtay ku sheegay in ay xiran tahay daaqadii wada-hadallada isla markaana ay shirkaddu rajaynayso in duuliyayaasha ay ku soo laabtaan shaqada ka hor inta aan la yeelan wax wadahadal ah.
Mas’uulkan ayaa shaaciyay in saddexdii maalmood ee ay duuliyeyaasha shaqo joojin ku guda jireen in shirkadda Kenya Airways ay lumisay dhaqaale dhan hal bilyan oo shilin.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo maxkamadda shaqada iyo shaqaalaha ee magaalada Nairobi ay u yeertay 11 ka mid ah mas’uuliyiinta ururka duuliyeyaasha dalka ee KALPA .
Garsoore Anna N. Mwaure ayaa shalay soo saartay go’aan ay duuliyeyaasha maanta uga soo hormuuqanayaan maxkamadda si ay uga jawaabaan sababta aynan ilaa iyo hadda ugu hoggaansamin amar maxkamadda ka soo baxay 31-dii bishii hore.