Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya Maxay dowladda Soomaaliya ka dhahday weerarkii ay saaka Al-Shabaab ku qaadeen saldhig...

Maxay dowladda Soomaaliya ka dhahday weerarkii ay saaka Al-Shabaab ku qaadeen saldhig militeri?

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya ayaa sheegay in milatariga Soomaaliya iyo Dadka degaanka ay Al-Shabaab ku jabiyeen dagaal ka dhacay magaalada Qaayib ee degmada Baxdo, ka dib markii ay Al-Shabaab saaka weeraro ismiidamin ah ku qaadday saldhig miltariga Soomaaliya ku leeyihiin deegaanka Qaayib oo ka tirsan gobolka Galgaduud, sida ay baahisay Wakaaladda wararka ee SONNA.
General Cabdullaahi Cali Caanood ayaa sidoo kale warbaahinta Qaranka u sheegay inay khasaaro gaarsiyeen kooxda Al-Shabaab.
Dagaalka ayaa saaka salaaddii subax kadib ka billowday deegaanka Qaayib oo qiyaastii dhowr iyo soddon kiiloomitar u jira magaalada Baxdo, waxaa la sheegay in labo gaari oo lagu soo raray walxaha qarxa lagu weeraray saldhigyo ay ku sugnaayeen ciidamada deegaanka oo taaageero ka helayo militeriga Soomaaliya ee fadhigeedu yahay deegaankaas.
Wararka waxay intaa ku darayaan in rag hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ay weerar culus ku qaadeen deegaanka xilli dagaal xooggan uu dhexmaray ciidamada dowladda iyo kooxihii weerarka soo qaaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments