Wasiirka wasaaradda gaadiidka ee dalka ,Kipchumba Murkomen ayaa duuliyeyaasha u shaqeeya shirkadda duullimaadyada wadanka ee Kenya Airways ee shaqo joojinta ku guda jiro ugu baaqay inay dib ugu laabtaan shaqooyinkooda.
Bayaan uu maanta soo saaray ayuu Murkomen ku sheegay in shaqo joojinta xubnaha ururka KALPA oo 5-tii bishan billaabatay inay sharci darro tahay.
Murkomen ayaa duuliyeyaasha ku boorriyay inay aad uga fiirsadaan saameynta ay leedahay amar maxkamadeed oo la dafiro .
Tani ayaa imaanaysa iyadoo shirkadda duullimaadyada ee Kenya Airways ay sheegaysa in ugu yaraan 12,000 oo rakaab ah ay saameyn ku yeelatay tallaabada ay ku dhaqaaqeen duuliyeyaasha.
Madaxa fulinta ee shirkadda KQ Allan Kilavuka ayaa sheegay in shaqo joojinta awgeed ay maalin kasta luminayaan qiyaastii 300 oo milyan oo shilin.
Allan Kilavuka, ayaa warbaahinta u sheegay in kastoo duuliyeyaasha shaqo joojinta ku guda jiro loo qabtay inay isa soo xaadiriyaan ugu dambeyn 10:30 barqanimo ee shalay, haddana ma jirin hal duuliye oo amarkan u hoggaansamay.
Waxaa uu madaxa fulinta ee Kenya Airways sheegay inay guda galeen tallaabooyin edbin ah oo laga qaadaya duuliyeyaasha oo ay ka mid tahay in shaqada laga eryo.
Xubnaha ururka duuliyeyaasha dalka ee KALPA ee shaqo joojinta ku howlan ayaa doonaya in la xalliyo tabashooyin ay qabaan oo ay ka mid tahay in isbeddel lagu sameeyo maamulka shirkadda KQ.
Ururka duuliyeyaasha ayaa dhankiisa maanta bayaan ku sheegay in howlwadeennada ka tirsan aynan shaqada dib ugu laaban doonin ilaa inta codadkooda laga maqlaya oo dalabaadkooda laga tixgelinaya.
"The people of Kenya are neither happy nor willing to continue subsidizing Kenya Airways, and we have heard their voices loud and clear."- CS @kipmurkomen's statement on @KenyaAirways pilots strike >>> https://t.co/qfsrfKCXKz pic.twitter.com/5JYOgfxDsk
— Ministry of Roads and Transport (@TransportKE) November 6, 2022